Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyo wafdi la socda, oo ku sugan Norway, ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Norway. Xogaha ayaa sheegaya in Agaasime Mustaf Dhuxulow iyo lataliyihiisa Yaxye Cali Hareeri ay kala hadlayaan Norway qorshe dib loogu celinayo Soomaalida sharci-darrada ku joogta Norway. Dowladda Norway waxay dooneysaa inay tarxiisho Soomaalida sharci-darrada ku joogta, waxayna dooneysaa ogolaansho ka yimaada dowladda Soomaaliya. Norway ayaa qorshahan ku bixinaysa lacag badan oo ay helayaan dadka kala shaqeeya hirgelinta qorshahan. #MustafSheekhCaliDhuxulow #YaxyeCaliHareeri #Norway #Soomaaliya