Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ka mamnuucay afar xildhibaan oo ka tirsan golaha kuwaas oo ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada inay ka qeyb galaan fadhiyada golaha. Xildhibaanadan ayaa ah kuwa muxaafid ah. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ka codsaday Guddiga Xeerhoosaadka golaha inay soo gudbiyaan talo-bixin ku saabsan xubnahan. Xildhibaanadan la mamnuucay ayaa la sheegay inay rabshado iyo dagaal kala hortageen xildhibaano kale oo mucaarad ah, kuwaasoo iyana laga mamnuucay fadhiyada golaha. #SheekhAadanMadoobe #Soomaaliya