
'Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay inay heshiis isweydaarsi maxaabiis la gaartay Somaliland. Heshiiskan ayaa yimid iyadoo aan jirin cid dhexdhexaadinaysay labada dhinac. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay maanta, 30.04.2025, isweydaarsadaan 26 maxbuus oo ku kala xirnaa Garoowe iyo Hargeysa. #Puntland #Somaliland #Garoowe #Hargeysa'