Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu waday in beri ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhacay. Shirkan waxaa dib loo dhigay ilaa 5-ta Maajo, oo ku beegan Isniinta soo socota, kadib wadatashi ay yeesheen madaxda Qaranka. Lama shaacin sababta rasmiga ah ee dib u dhigista. #Muqdisho #Soomaaliya