Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dalnews
0

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-kii Abriil 2025 si rasmi ah u dhaqan gelisay xayiraad cusub oo mamnuuceysa in dalka soo galaan ama ay transit ka dhigtaan dadka haysta baasaboorada Taiwan. Amarkan ayaa kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxaana si degdeg ah loogu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, isla markaana si degdeg ah loo dhaqan geliyay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag u cambaareysay go’aankaas, iyadoo ku eedeysay inuu ku yimid cadaadis Shiinaha ka yimid, islamarkaana ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aankeeda. Taiwan iyo Somaliland ayaa si wadajir ah ugu baaqay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee la aragti ah, inay cadaadis ku saaraan Soomaaliya. #Soomaaliya #Taiwan #Shiinaha #Somaliland #Muqdisho


Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Learn More
Ok, Go it!
To Top