Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u dhoofay Algeria, iyadoo uu jiro buuq ka dhex jira kulamada Golaha Shacabka. Wuxuu halkaas uga qeyb geli doonaa shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda ka furmi doona Algiers. Shirkan ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta, gaar ahaan xaaladda shacabka Falastiin. #AadanMadoobe #Algiers #Algeria #Falastiin #Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe
© 2026 Dalnews. All rights reserved.