Mareykanka iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo Mareykanku uu ku helayo macdanta Ukraine. Ukraine waxay heshiiskaan ku beddelanaysaa inay taageerro ka hesho Mareykanka iyo hirgelinta sanduuqa maalgelinta dib u dhiska Ukraine. Heshiiskaan kuma jiraan dammaanad amni oo Ukraine ay ka heleyso Mareykanka. Ukraine waxay leedahay qiyaastii 5% keydadka macdanta ee dunidda, oo loo isticmaalo qalabka elektarooniga, baabuurta korontada iyo hubka militari. Waxaa la sheegay in Trump uu ogolaaday kaalmo militari oo uu horay u joojiyay, kadib markii Ukraine ay heshay heshiiska macdanta. #Mareykanka #Ukraine
Mareykanka iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis cusub
© 2026 Dalnews. All rights reserved.