Nico Williams, oo ah weeraryahanka Athletic Bilbao u dhashay Spain, ayaa sheegay in ku guuleysiga koobka Europa League garoonka kooxdiisa ay tahay riyo weyn isaga. Nico Williams ayaa gaaray guulo badan 12kii bilood ee la soo dhaafay, isagoo Spain kula guuleystay Koobka Qaramada Yurub, sidoo kale koobka Europa League. Nico Williams ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto Europa League sanadkan, ay la mid noqon doonto guulihii uu hore u gaaray. Nico Williams wuxuu yiri: "Haddii aadan ahayn taageere kooxda, ma fahmi kartid dareenka yaabka leh ee halkan ka jira. Waxaa la arkay sanadkii hore markii aan ku guuleysanay Copa del Rey. Haddii aan ku guuleysanno Europa League, way adkaan doontaa in la qiyaaso." Waxaa intaa ku daray "Waxaan u maleynayaa in sanadkan uu yahay sanadkeen. Athletic Bilbao ayaa u qalantaa in ka badan qof kasta." #NicoWilliams #AthleticBilbao #Spain