Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah sheegtay in xiriirka ay la leedahay Masar

Dalnews
0

Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah sheegtay in xiriirka ay la leedahay Masar uu yahay mid xooggan oo soo jireen ah, isla markaana aanay jirin wax khilaaf ah oo dhex yaalla. Waxay beenisay wararka sheegaya in la hakiyey heshiiska iskaashiga militari ee lala galay Masar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku tilmaamay warar aan sal iyo raad toona lahayn warbixin saxaafadeed oo sheegaysay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid khilaaf ka dhex jiro. Safiir Awaare ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar. #CaliCabdiAwaare #Soomaaliya #Masar #Qaahira

Post a Comment

0 Comments
Post a Comment (0)

#buttons=(Ok, Go it!) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Learn More
Ok, Go it!
To Top