Faahfaahinta Warka

Agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo yaqaan Sanbaloolshe, ayaa si kulul uga jawaabay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, kadib markii uu ka qayb galay kulan ay xubnaha mucaaradka la yeesheen odayaasha dhaqanka. Sanbaloolshe oo ka hadlay magaca uu Fiqi u bixiyay mucaaradka ee madasha calaacalka, ayaa sheegay in isaguba markii uu ahaa mucaaradka uu calaacali jiray, sidoo kalena uu caaytami jiray. Wuxuu hoosta ka xariiqay in calaacalka mucaaradka uu ka dhashay cabsi ay ka qabaan in dalku galo mugdi, maadaama aan weli laga heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, isla markaana uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda. Sanbaloolshe ayaa yiri: Madashaan nin Fiqi la yiraahdo wuxuu u baxshay madasha calaacalka, laakiin isaga markii uu mucaaradka ahaa waana caaytami jiray, waana calaacali jiray, hadda nimankan waa calaacalaan bis. Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay: Dowladdu waxay leedahay nimanka mucaaradka hub uruursi ayay ku jiraan waa masabid, taas beddelkeed dowladda iyadaa duulaan ku ah mucaaradka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo marar badan wasiir Fiqi uu weerar qaawan ku qaaday xubnaha mucaaradka ee haatan dhaqdhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay yihiin kuwa fadhiid ah oo diidan in dalka la gaarsiiyo doorashooyin ay ka qayb galaan shacabka. Wasiirka gaashaandhigga ayaa horay u yiri: Maxay yiraahdeen nimankii madasha calaacalku doorasho qof iyo cod ah ma rabno, haddii teenna la yeeli waayana waxaanu ka xignaa dagaal. Aniguna waxaan ku leeyahay haddii aad dagaalamaysid guri aad leedahay ma dumayaa? Ganacsi aad leedahay ma joogsanayaa? Wiil aad dhashay se ma dhaawacmayaa ama dhimanayaa, adigu furinta ma tagaysaa? Waa maya intuba. Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad hubanti la'aan ah, iyadoo weli la isku fahmi la'yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012, maadaama ay si cad u diideen mucaaradka dalka, Jubbaland iyo Puntland. LABEL: Somali