Faahfaahinta Warka

axweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaleeceyn culus u jeediyay Friedrich Merz oo ah ra'iisul wasaaraha dalka Jarmalka, ka dib markii uu dhaleeceeyay dagaalka ay Maraykanku kula jiraan Iiraan. Trump waxa uu sheegay in dagaalku ahaa mid lagama maarmaan u ah si looga hortago in Iiraan ay ku hanato hubka nukliyeerka. Trump ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha Jarmalku uu aaminsan yahay in ay u ogolaato Iiraan in ay lahaato hub nukliyeer, isagoo tilmaamay in Merz aan waxba ka aqoon arrinkan. Trump waxa uu quus ku tilmaamay xaaladda dhaqaale ee Jarmalka. In kasta oo Jarmalku uu ka mid ahaa xulafada ugu daacadsan Maraykanka iyo Israa’iil, haddana Merz ayaa ugu yeedhay dagaalka Iiraan mid aan si fiican loo qorsheyn. Waxa uu tilmaamay in dagaalka noocan oo kale ah ay adagtahay in laga soo baxo, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii Afgaanistaan ee labaatan sano socday iyo dagaalkii Ciraaq. Merz waxa uu kaloo sheegay in Maraykanku uu ceebeynayo habka wada xaajoodka ee Iiraan, kadib markii Iiraan ay diiday in ay ergo u dirto Maraykanka inta aan laga qaadin go’doominta dekedaheeda. Dhaleeceyntan Merz ayaa ka duwan mawqifkiisii hore oo ahaa mid si adag u taageeraya Israa’iil. Jarmalku waxa uu ka mid ahaa waddamada ugu hubka badan siiya Israa’iil. Si kastaba, dagaalka hadda socda ee Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ayaa kor u qaaday qiimaha saliida, iyadoo Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub aysan ka soo kabanin dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay faafista cudurka COVID-19 iyo duulaankii Ruushka ee Ukrayn. Tan iyo bilowgii dagaalka, Trump waxa uu ka cawday xulafada Yurub ee diiday in ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka ama ay gacan ka geystaan furitaanka marinka Hormuz. Markii uu Merz booqday aqalka cad bishii hore, Trump waxa uu ku hanjabay in uu jarayo ganacsiga Isbayn sababtoo ah mowqifka ay ka taagan tahay dagaalka. LABEL: World News