Faahfaahinta Warka

axweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab culus ka bixiyay eedaymo uu ka dhankiisa soo jeediyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidaana waxaa uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay casho sharaf oo uu ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Farmaajo oo saacado ka hor wareysi siiyay wargaysyada qaarkood ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay shaqsi aan waxba ka aqoon siyaasadda gudaha iyo tan dibadda, isla markaana aan sumcad lahayn. Farmaajo waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu sumcad la’aantiisu ay saameyn ku yeelanayso sumcadda dalka oo dhan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ka jawaabay isagoo sheegay in Farmaajo xilligiisii uu diiday inuu fursad siiyo dhinacyadii ka soo horjeeday si ay u wada hadlaan. Waxa uu intaas ku daray inuu isagu ka duwan yahay jidkaas, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la tashado dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dowladdiisu ay ka go’an tahay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo fursad u siinaysa shacabka Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan doorashada. Waxa uu sheegay inay adag tahay mowqifkooda ku aadan in dalka yeesho xisbiyo siyaasadeed oo shacabku dooran karo. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed, iyadoo ay jiraan khilaafo ku aadan habka doorashooyinka. Khilaafani waxa uu ka dhexeeyaa Villa Soomaaliya, mucaaradka, iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu cadeeyay inuu sii wadi doono dadaalka lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadda dalka. LABEL: Somali