Faahfaahinta Warka

Booliiska dalka Austria ayaa digniin culus u diray waalidiinta iyo dadweynaha guud ahaan kadib markii laga helay in dhalooyinka cuntada carruurta ee nooca HiPP ay ku jiraan sunta doolliga (jiirka), taasoo khatar weyn ku ah caafimaadka carruurta, gaar ahaan haddii ay cunaan cuntadaasi. Booliisku waxa uu sheegay in dhalo sumeysan oo ka kooban casiir la shiiday oo karootada iyo baradhada ah uu soo sheegay macmiil ka tirsan gobolka Burgenland, isla markaana ilmahoodu nasiib wanaag uusan cunin cuntadaas. Sida lagu sheegay wararka, maamulladu waxay aaminsan yihiin in ugu yaraan hal dhalo oo kale oo sun ah ay weli suuqa ku jirto, iyagoo soo saaray tilmaamo lagu garan karo dhalooyinka sumeysan, kuwaas oo ay ka mid yihiin daboollo dhaawacan ama furan, calaamadda badbaadada oo ka maqan, ur aan caadi ahayn ama cunto urtay, ama istiikar cad oo leh goobo cas oo ku yaalla hoosta dhalada galaaska ah. Booliisku waxa uu sheegay in ay jiraan caddayn muujinaysa in dhalooyin la sumeeyay sidoo kale lagu qabtay dalalka Jamhuuridda Czech iyo Slovakia, taasoo ka dhigan in arrintani ay tahay mid ballaaran oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin dambiilayaal isku dayaya in ay waxyeelo u geystaan carruurta. Shirkadda HiPP, oo saldhiggeedu yahay dalka Jarmalka, ayaa Sabtidii dib uga soo celisay dhammaan noocyadii cunto carruurta ee dhalooyinka ku jiray ee lagu iibin jiray dukaamada Spar ee Austria, iyadoo sheegtay in cunisteedu ay noqon karto mid khatar gelin karta nolosha. Shirkaddu waxa ay caddeysay in dib u soo celintani aysan ka dhalan cillad dhinaca badeecadda ama tayada ah oo ka timid shirkadda lafteeda, balse ay la xiriirto fal dambiyeed oo ay baarayaan hay'adaha awoodda leh. Sidoo kale, shirkadda Spar ayaa ka saartay cuntooyinka carruurta ee sumadda HiPP dukaamadeeda dalal kale, sida Jamhuuridda Czech iyo Slovakia, si tallaabo ka hortag ah loogu yareeyo khatarta. Natiijo ahaan, hay'adda Austria ee Caafimaadka iyo Badbaadada Cuntada ayaa uga digtay waalidiinta in haddii carruurtoodu cunaan cuntooyinka shirkadda HiPP, ay la xiriiraan dhakhtar isla markiiba haddii carruurta ay muujiyaan calaamado dhiigbax, tabardarro aad u daran, ama midab caddaan ah. Sidoo kale, macaamiisha waxaa laga codsaday in ay iska celiyaan cunista dhalooyinka HiPP ee laga soo iibsaday Eurospar, Interspar iyo Maximarkt, isla markaana dib ugu celiyaan si lacagtooda loogu soo celiyo. Booliisku waxa uu horey u adkeeyay in cunto carruurta lagu iibiyo dukaamo kale aysan saamayn ku yeelan dib u soo celintan, iyo in caanaha budada ah ee carruurta ee HiPP aysan sidoo kale saamayn ku yeelan arrintan. Dhacdadan ayaa timid dhowr bilood kadib markii laba nooc oo kale oo cunto carruur ah ay ku qasbanaadeen in ay sameeyaan dib u soo celin ballaaran oo ku saabsan caanaha carruurta sababo la xiriira wasakhayn. Bilihii Janaayo iyo Febraayo, shirkadaha Nestlé iyo Danone ayaa dib u soo celin ku sameeyay caanaha carruurta ee shirkadahooda in ka badan lixdan dal, oo ay ku jirto Boqortooyada Midowday, kadib markii carruur ay xanuunsadeen. Waxaa la fahamsan yahay in xirmooyin gaar ah ay ku wasakhobeen sun lagu magacaabo cereulide, taasoo keeni karta lalabbo iyo matag marka la cuno, iyadoo suntan laguma baabi'iyo karinta ama marka caanaha ilmaha la diyaarinayo. Hay'adda Caafimaadka ee Boqortooyada Midowday (UKHSA) ayaa bishii Febraayo sheegtay in ugu yaraan lix iyo soddon carruur oo ku nool Britain ay qaadeen sumow cunto oo ka dhashay caanaha carruurta ee wasakhaysan, iyadoo ay xusday in xaaladaha carruurtan aanay ahayn kuwo nolosha halis gelinaya. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani waxay soo bandhigaysaa baahida loo qabo in waalidiintu ay feejignaadaan marka ay iibsanayaan cuntooyinka carruurta, iyo in shirkaduhu ay kordhiyaan tillaabooyinka amniga si looga hortago waxyeelooyin noocan oo kale ah. DALNEWS

Keywords: somali news, Wararka Soomaaliya, Breaking news Somalia