Faahfaahinta Warka

Dabagalka taleefoonada gacanta ee ay adeegsadeen calooshood u shaqeystayaal ka soo jeeda dalka Colombia, kuwaas oo ay taageerto dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa muujiyay sida ay gacan weyn ugu geysteen ciidamada RSF ee dagaalka sokeeye ee Suudaan, gaar ahaan qabsashadii magaalada El-Fasher ee galbeedka dalkaasi, taas oo ahayd mid ka mid ah wejiyada ugu arxan darraynna colaadda, iyadoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena ay ka carrameen guryahoodii. Hay’adda falanqaynta amniga ee loo yaqaan Conflict Insights Group (CIG) ayaa baaritaan lagu xaqiijiyay in xog laga helay dabagalka taleefannada gacanta ee dagaalyahannada Colombia lagu ogaaday in ay joogeen goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xarunta tababarka milatari ee Imaaraadka Carabta ku leeyihiin magaalada Abu Dhabi, iyo sidoo kale deegaano ay gacanta ku hayaan RSF sida Nyala iyo El-Fasher. Waxaa la ogaaday in taleefannadaasi ay ku xirnaayeen shabakadaha internet-ka ee loogu magac daray "ANTIAEREO", "AirDefense", iyo "ATACADOR", kuwaas oo muujinaya in calooshood u shaqeystayaashu ay si firfircoon uga qayb qaadanayeen howlgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu weerarayay ciidamada dowladda Suudaan. Warbixintu waxay sheegaysaa in shabakaddan ay ka koobnayd kuwa duuliyayaasha ah, askarta madaafiicda, iyo macallimiinta, kuwaas oo ka tirsanaa guutada loo yaqaan Desert Wolves oo uu hogaaminayo Colonel Alvaro Quijano, kaas oo fadhigiisu yahay Imaaraadka Carabta, isla markaana ay cunaqabatayn ku soo rogeen dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday. Sidoo kale, waxaa la sheegay in shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo la xiriirta saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Abu Dhabi ay bixin jirtay mushaharka calooshood u shaqeystayaasha, kuwaas oo gaarayay ilaa afar kun oo doollar bishii. Raadka shabakaddan ayaa sidoo kale laga helay meelo ka baxsan Suudaan, gaar ahaan deked ku taalla Soomaaliya oo xiriir la leh Imaaraadka Carabta, iyo magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya oo loo malaynayo in ay tahay xuddunta saadka hubka loo diro RSF. CIG waxay sheegtay in aalado lagu qoray luqadda Isbaanishka laga helay meelahan, taasoo caddaynaysa in Soomaaliya loo adeegsaday marin ay ku gudbaan calooshood u shaqeystayaasha iyo qalabkooda, gaar ahaana dekedda Boosaaso ee Puntland, halkaas oo ay jiraan saldhig ay maamulaan ciidamada Imaaraadka Carabta. Natiijo ahaan, howlgallada calooshood u shaqeystayaasha Colombia ayaa gacan weyn ka geystay qabsashadii El-Fasher, taas oo ay weheliso xasuuq iyo xadgudubyo lagu tilmaamay dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhanka ah bini'aadantinimada. Sidoo kale, waxay muujinaysaa sida dowladaha gobolka sida Imaaraadka Carabta ay uga qayb qaataan sii socoshada dagaalka Suudaan iyadoo loo marayo taageero shisheeye, inkasta oo ay si rasmi ah u beeniyaan eedeymahan. Hay'adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sheegay in dhacdooyinka El-Fasher ay ka mid yihiin kuwa ugu xun dagaalka, waxaana loo baahan yahay in la xisaabtamo kuwa mas'uulka ka ah. DALNEWS

Keywords: somali news, Wararka Soomaaliya, Breaking news Somalia