Faahfaahinta Warka

Dagaalkan oo socda tan iyo bilowgii sanadka 2026, ayaa sababay in shirkado badan oo caalami ah oo saadka badda ah ay dib u dhigaan ama ay hakiyan hawlahooda marinada dhexe ee bariga dhexe, iyaga oo ka baqaya weerarro laga fuliyo dhanka Iiraan ama kooxaha xulafada la ah sida Al-Huuthi. Waxaa jira warar dheeraad ah oo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in hakintani ay qayb ka tahay istaraatiijiyad Maersk ay uga hortagayso khataraha ammaanka oo ka jira Badda Cas, gaar ahaan kadib markii ay Al-Huuthi ku hanjabeen inay weerari doonaan markab kasta oo xiriir la leh Israel iyo xulafadeeda. Waxaa iyadana la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay si qarsoodi ah uga codsatay shirkadda Maersk inay hakiso hawlaheeda Berbera kadib markii ay heshay warar sheegaya in maamulka Somaliland uu heshiis qarsoodi ah la galay Israel si ay iskaga kaashadaan maamulka dekedda Berbera. Saamaynta siyaasadeed, go’aanka Maersk waxaa loo arkaa inuu yahay mid taageeraya mawqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada dalka, iyadoo Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii ay u xoojin lahayd awooddeeda dekedaha Muqdisho iyo Kismaayo. Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka danbeyso hakintan, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay saameyn ku yeelanayso shirkadaha caalamiga ah si loogu dhiirado inay joojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa hadda wadahadal degdeg ah la galay shirkadaha kale ee qaada konteenarada si ay uga shaqeeyaan sidii loo sii wadi lahaa rarka badda iyada oo loo marayo berbera, inkastoo aysan jirin shirkad kale oo ka weyn Maersk. Dadka falanqaynta arrimaha ganacsiga badda ayaa sheegay in hakintani ay keeni doonto in ganacsatada reer Somaliland ay u weeciyaan dekedaha kale sida Jabuuti iyo Mombasa, taasoo beddelkeeda kor u qaadaysa kharashka rarka iyo waqtiga lagu jiheeyo alaabta. Ganacsatada Itoobiya ayaa walwal weyn ka muujiyay go’aankan, iyagoo sheegay in hakintani ay dib u dhigi doonto imaatinka alaabaha muhiimka ah, gaar ahaan cuntada iyo qalabka dhismaha, kuwaas oo ay ku tiirsan yihiin berbera. Waxaa la filayaa in Maersk ay soo saari doonto wargelin dheeri ah maalmaha soo socota si ay uga hadasho mustaqbalka hawlaheeda dekedda Berbera, iyadoo ay jiraan suurtogalnimo in hakintani ay noqoto mid rasmi ah oo macneheedu yahay in shirkaddu ay si buuxda uga baxayso dekeddan. Ugu dambayntii, hakintan hawlgallada Maersk waxay muujinaysaa sida ay u kacsan tahay xaaladda ammaanka iyo siyaasadda ee Geeska Afrika, iyadoo dekedda Berbera ay ku xiran tahay arrimo ka baxsan kontoroolka maamulka Somaliland. Sawirka la xidhiidha qoraalkan, fadlan hoos riix. DALNEWS

Keywords: somali news, Wararka Soomaaliya, Breaking news Somalia