Faahfaahinta Warka
dayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in caawa ay kulmi doonaan xubno ka tirsan mucaaradka siyaasadda dalka. Kulankan ayaa ka dambeeya shir ay ku qabsoomeen caleema-saarka Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde. Odayaashu waxay xalay kuleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka oo cakiran, si loo helo wax loogu xalliyo khilaafaadka jira. Qaar ka mid ah odayaasha ayaa si adag ula hadlay madaxweynaha, kuna adkeeyay inuu muujiyo tanaasul isla markaana talada dhexda loogu dhigayo. Kulanka caawa waxaa lagu wadaa in odayaashu ay dhageystaan talooyinka mucaaradka, iyadoo ujeedku yahay in la wada-hadlo laguna dajiyo xiisadda siyaasadda Soomaaliya. Mucaaradka ayaa Sabtidii ka codsaday odayaasha dhaqanka inay dhexgalaan iyaga iyo madaxweynaha, si xal looga gaaro muranka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka. Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah mucaaradka ayaa yiri waxaan rabaa in odayaashu aysan soo afjaridin tallaabo ilaa la isla ogaado oo talada siyaasadeed meel la isla dhigo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna ku dhaartay dhaqanka Soomaaliyeed isagoo yiri maanta waa fursad qofkii khaldan gacanta lagu qabto, kan saxanna lagu taageero. Soomaaliya ayaa haatan ku sugan marxalad xasaasi oo ka dhalatay khilaafka door doorashooyinka, taasoo ay ku weheliyaan Dowladda Federaalka, mucaaradka, iyo maamul goboleedyada qaarkood. Ilaa hadda ma jirro heshiis rasmi ah oo la gaaray, iyadoo wadahadaladu ay socdaan. LABEL: Somali