Faahfaahinta Warka

Gobolka Koonfur Galbeed ayaa noqday albaabka iftiinka dimuqraadiyadda, iyadoo uu ka socdo tartan dimuqraadi ah oo aad u xoog badan. Tartankan waxaa ka qayb qaadanaya dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka isku xiga. Siyaasiyiin iska soo horjeeda ayaa ku sugan gobolka, iyadoo ay joogaan dhammaan ururada siyaasadeed ee diiwaan gashan. Taageerayaal ka kala yimid dhammaan Soomaaliya ayaa u taageeraya tartamayaasha kala duwan. Qof iyo koox kasta waxay u ololaynayaan si aan cabsi lahayn, waxayna u taageerayaan ciddii ay doonaan. Magaalada Baydhabo, hoteellada iyo xaafadaha ayaa ah kuwo mashquul ah, waxaana meel kasta ka socda shirar iyo abaabul iska soo horjeeda kuwaas oo nabad ah. Dhinacyada oo dhami waxay dareemayaan rajo cadaaladeed, sinaan iyo xorriyad. Ma jirto koox siyaasadeed oo leh afkaar iyo aragti u gaar ah oo ka maqan Baydhabo, ama xitaa aan qayb ka ahayn tartankan siyaasadda ah ee socda. Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta isku kooxaha ah ama kala duwan ee Baydhabo wada jooga, waxa ka yar labo bilood ka hor waxay qoryo isku siteen, ismana salaamaynin haddii ay iska soo hor baxaan. Hase yeeshee, maanta si nabad ah, sharafna leh, ayay kuraasta ugu tartamayaan. Dhacdooyinka Koonfur Galbeed waxay dirayaan shan fariimood oo muhiim ah: Marka hore, waxay si cad u muujinayaan nooca doorashada ee ay dawladdu muddo dheer u balanqaadaysay dadka Soomaaliyeed. Marka labaad, waxay beeninayaan doodihii kuwa mucaaradka ah ee isku dayay inay marin habaabiyaan bulshada, taas oo ay ku sumcad xumeeyeen dawladda. Marka saddexaad, waxay rajo iyo yididiilo galinayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo dib u helaya xuquuqdooda ah in ay iyagu go'aamiyaan mustaqbalkooda. Marka afraad, waxay fursad iyo rajo siinayaan dhammaan siyaasiyiinta doonaya inay kartidooda ku tartamaan, si ay talada dalka uga qayb galaan. Marka shanaad, waxay ka saarayaan cuqdada iyo cabsida dadka isku deegaanka ah balse kala aragtida ah. Dadkaas ayaa horay u soo joogay in aragtidooda darteed la xiray ama la xannibay. Dalka Soomaaliya rajo iyo iftiin ayaa hor muuqda. Amniga ayaa soo hagaagaya, dhaqaalaha ayaa dhismaya, sumcadda dawladda ayaa sare u kacaysa, taladuna waxay u dhawaanaysaa shacabka. Waxaa mudan dhammaanteen in horay u soocono, isla markaana aan ku tiirsano alle. Waa inaan yareynaa cabsida, kalsoonina aa hawlgalno. Alle ayaa leh mahad oo dhan. LABEL: Somali