Faahfaahinta Warka

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa soo bandhigay qoraal ku qoran bartiisa Facebook kaas oo dad badani u fasireen inuu ka tagayo xisbiga JSP oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo qoraalka Madaale oo ka falcelinaya iscasilaadii Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka baxay xilkii la taliyaha madaxweynaha uu ku yiri waa la kala horreeyaa waase la wada socdaa, mid sabra iyo mid socdaalaba. Dad ku dhow Madaale ayaa sheegay in qoraalkani uu yahay fariin toos ah oo loogu talagalay madaxweynaha Xasan Sheekh, iyadoo dhowr xubnood oo ka mid ah xisbiga JSP ay ka baxeen xilliyadii u dambeeyay si ay cadaadis ugu saaraan madaxweynaha. Xubnahaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa oo ahaa xoghayihii guud ee xisbiga, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka NISA, iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsanaa la taliyeyaasha gaarka ah ee madaxweynaha. Qoraalka Madaale waxaa la sheegay inuu ka tarjumayo caro ka dhan ah madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre. Madaale ayaa muddo dheer raadinayay in mar kale loo magacaabo xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, isagoo doonaya in laga qaado Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo hadda xilka haya. Muungaab ayaa xilkan ku soo noqday sanadkii 2025 ka dib markii uu hore u soo qabtay intii u dhaxaysay 2014 iyo 2015, laakiin bilo uun kadib soo laabashadiisa, Madaale ayaa billaabay olole lagu doonayo inuu mar saddexaad kursiga ku fariisto. Madaale waxa uu laba jeer soo qabtay xilkan, markii koowaad waxaa loo magacaabay Nofeembar 2015 wuxuuna hayay illaa Abriil 2017 xilligii koowaad ee madaxweynaha, markii labaadna Xasan Sheekh ayaa dib ugu magacaabay 7dii Sebtembar 2022 isagoo beddelay Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxaana xilka laga qaaday Diseembar 2024 markaas oo lagu beddelay Maxamed Axmed Amiir. Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynuhu iyo ra'iisul wasaaruhu ay Madaale u sheegeen in aysan caqli ahaan habboonayn in kursi uu ku fadhiyo xubin ka tirsan xisbiga JSP laga qaado laguna beddelo xubin kale oo isla xisbigaas ka tirsan. Natiijo ahaan, khilaafka siyaasadeed ee gudaha xisbiga JSP ayaa soo ifbaxaya, waxaana suurtagal ah in Madaale uu ku biiro mucaaradka ama uu sameeyo xisbi cusub, taasoo saameyn ku yeelan karta deegaanka Muqdisho iyo maamulka gobolka Banaadir. Warar dambe ayaa sheegaya in xubno kale oo ka tirsan xisbiga JSP ay warwar ka muujinayaan rabitaanka madaxweynaha, iyadoo ay jiraan iskaashi dhexmara Madaale iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho. Dowladda federaalka ayaa hadda eegaysa sida xaaladdu uga soo horjeedo, waxaana laga yaabaa in dib u qabsoomid lagu sameeyo maamulka degmooyinka maalmaha soo socota. DALNEWS

Keywords: , Sports, somali