Guud ahaan, xannibaadda dekedaha Iiraan waxay noqonaysaa mid soo rogaysa culeys dhaqaale oo weyn dalka Iiraan, maadaama dakhliga ka soo gala saliidda uu yahay mid muhiim u ah dhaqaalahooda, waxaana la filayaa in ay sii socoto muddo illaa ay Iiraan u beddesho siyaabadeeda ama ay dib ugu soo laabato wadahadallada, iyadoo ay suurtagal tahay in gobolka Bariga Dhexe uu galo xilli kale oo colaado cusub oo daba dheeraada haddii aan la helin waddo diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo khilaafka. DALNEWS
