Faahfaahinta Warka

Jabhadaha Tuareg ee dalka Maali, kuwaas oo ku lug leh kacdoonka socda ee ay ku dileen wasiirkii gaashaandhigga dalkaasi, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ka saaraan taageerayaasha Ruushka ee dowladda militariga. Afhayeen u hadlay jabhadaha xoreynta Azawad ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in ciidamada Africa Corps ee Ruushku ay si joogto ah uga baxaan dalka Maali. Ciidamada Ruushka ayaa taageeray dowladda militariga ee madaxweyne Assimi Goita, iyadoo ay wajahayso weeraro isku dubaridan oo ka yimid isbahaysiga gooni u goosadka Tuareg, jabhadaha Fulani iyo Carabta, iyo dagaalyahannada la xidhiidha al Qaacida. Kuwaas oo soo galay caasimadda Bamako, kana qabsadey guulo magaalooyin badan oo waqooyi iyo bartamaha dalka ah. Afhayeenku waxa uu sheegay in aanay dhibaato gaar ah kala qabin Ruushka, ama waddan kale. Dhibaatadoodu waxa ay la tahay maamulka ka talinna Bamako. Waxa uu cadeeyay in jabhaduhu u arkaan faragelinta Ruushka mid taban, sababtoo ah waxay taageerayaan dadka geystay dambiyo culus. Isbahaysiga jabhadaha ayaa soo qaaday weeraro isku dubaridan oo ka dhacay magaalooyin badan Sabtidii. Wasiirkii gaashaandhigga Maali ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gurigiisa. Dowladda Maali ayaa sheegtay in lagu dilay baabuur is qarxiyay. Intii lagu jiray weerarada Sabtidii, waxaa la arkay ciidamada Ruushka oo ka baxaya magaalada Kidal, iyadoo la sheegay in ay ka wada xaajoodeen bixitaankooda iyadoo ay dhexdhexaadinaysay dalka Aljeeriya. Afhayeenku waxa uu sheegay in Ruushku ay codsadeen marin ammaan oo ay ku baxaan, waxaana loo galbiyay Anefis oo ku taal koonfur galbeed ee Kidal. Ruushku waxay isku arkeen inay halis ku sugan yihiin, ma jirin wax bixitaan ah oo kale. Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa horay u sheegtay in ka bixitaanka Kidal uu ahaa go'aan ay qaadatay dowladda Maali. Waxay intaas ku dartay in qaybihii ku sugan magaaladu ay dagaalameen in ka badan 24 saacadood, isla markaana ay iska celiyeen afar weerar oo waaweyn. Madaxweyne Goita ayaa sheegay in howlgallada militarigu ay socon doonaan illaa ay kooxaha hubeysan la xiro. Ciidamada Maali ayaa dib ula wareegay magaalada Menaka oo u dhow xadka Niger. Afhayeenku waxa uu ku adkeysanayaa in dowladdu ay dhici doonto goor dhow ama goor dambe, isagoo intaas ku daray in jabhadaha haddi ay doonayaan in ay la wareegaan maamulka magaalooyinka waqooyi. LABEL: World News