Faahfaahinta Warka

Ku dhawaad dhammaan qaarada Yurub waxay la kulmeen heerkul sannadeed ka sarreeya celceliska sanadkii 2025, kaas oo ay ku jireen heerkul badeed oo rikoor jabiyay iyo dab duur ah oo ka kacay dhulka barafayska ilaa badda Mediterranean. Sidaa waxaa sheegay hay'adda saadaasha hawada ee Qaramada Midoobay. Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixinteeda Arbacadii, taas oo ay wada soo saareen xarunta Yurub ee saadaasha hawada muddada dhexe. Warbixintu waxay ka hadlaysaa saameynta cimilada oo sii xumaanaysa gobolka Yurub. Florian Pappenberger oo ah agaasimaha guud ee xarunta saadaasha hawada ee Yurub ayaa sheegay in qaarada Yurub ay tahay qaarada ugu kululeysa adduunka, saameyntuna ay tahay mid ba'an. Ku dhawaad dhammaan gobolka waxaa la arkay heerkul sannadeed oo ka sarreeya celceliska, oo ay ku jirto abaartii bishii Meey ee sanadkii 2025. Warbixintu waxay intaas ku dartay in xaaladaha kulul iyo abaarta ee gobolka ay gacan ka geysteen dab duur ah oo gubay in ka badan hal milyan oo hektaar oo dhul ah, taas oo u dhiganta cabbirka jasiiradda Qubrus. Waxaa kaloo la sheegay in ku dhawaad boqolkiiba toddobaatan oo ka mid ah webiyada Yurub ay arkeen heerar qulqul oo ka hooseeya celceliska sannadka. Kulaylka badda ayaa sidoo kale lagu arkay inta badan qaaradda, gaar ahaan biyaha badweynta Atlaantik ee u dhow dalka Ingiriiska, Ireland, iyo Iceland, iyo sidoo kale meelo ka mid ah badda Mediterranean sida uu muujinayo khariidad ay warbixintu soo bandhigtay. Isbeddello aad u weyn ayaa ka dhacay gobollada ugu qabow Yurub, iyadoo dalalka Norway, Iswiidhan, iyo Finland ay la kulmeen kulayl shanaad oo socday kow iyo labaatan maalmood bishii Luulyo 2025, kaas oo ahaa kii ugu xumaa ee rikoordu diiwaan geliso. Intaas lagu gudajiray, heerkulku waxa uu gaadhay soddon darajo celcius iyo wax ka sarreeya agagaarka Wareegga Arctic. Daboolka barafka ee Yurub ayaa sidoo kale hoos u dhacay ku dhawaad boqolkiiba soddon, isagoo gaadhay hal milyan iyo saddex boqol oo labaatan kun oo kiiloo mitir labajibbaaran bishii Maarso 2025. Qasaaraha barafka ayaa sidoo kale lagu diiwaan geliyay dhammaan Yurub, iyadoo Iceland lagu arkay qasaaraha labaad ee ugu weyn ee rikoordu diiwaan geliso. Samantha Burgess oo ah hogaamiyaha istiraatiijiyada cimilada ee xarunta saadaasha hawada ee Yurub ayaa sheegtay in warbixintu muujinayso xawaaraha isbeddelka cimiladu uu u baahan yahay tallaabo degdeg ah. Waxay intaas ku dartay in kulaylka sii kordhaya, dab duurka baahsan, iyo abaarta, caddayntu ay tahay mid aan shaki ku jirin, isbeddelka cimiladu maahan mid ka durugsan mustaqbalka. LABEL: World News