Faahfaahinta Warka
lakabyada difaac ay ka hortagi karaan xiisad dheeri ah. Sidoo kale, Israel waxay muujisay in aysan ka labi lahayn inay weheliso dalalka Giriiga iyo Qubrus si ay uga hortagto saamaynta Turkiga. Warar dambe ayaa sheegaya in Turkigu uu sii wado howlgallada sirdoonka ee ka dhanka ah Israa’iil, iyadoo Netanyahu uu ku baaqay in Midowga Yurub uu qaado tallaabo ka dhan ah madaxda Ankara. Ilaa hadda, labada dal ayaa ka digtoon in ay galaan iska-horimaad toos ah, iyadoo aan la saadaalin karin waqtiga ay xaaladdu ku xumaato. Dhanka kale, falanqeeyayaasha gobolka waxay tilmaameen in xiisaddan ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto xiriirka Turkiga iyo Maraykanka, gaar ahaan haddii Israa’iil ay cadaadis saarto Washington si ay uga jawaabto tillaabooyinka Ankara. Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka Gacanka Carabta ayaa muujiyay in ay danaynayaan in ay dhexdhexaadiyaan labada dal, si looga hortago in xiisaddu uu ka bato gacan-ka-hadal. Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in labada dal ay sii wadaan dagaalka afka ah iyagoo iska ilaalinaya tallaabooyin militari oo toos ah, si ay uga fogaadaan khasaaro dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo labada dhinacba uu soo gaadhi karo. DALNEWS