Faahfaahinta Warka

Qiimaha saliidda caalamiga ah ayaa sii kordhaya inkasta oo Iiraan ay soo jeedisay in ay soo afjarto xannibaadda marinka Hormuuz, taasoo beddelkeeda lagu hakiyo wadahadalada nukliyeerka ee Maraykanka. Saliida nooca Brent oo ah heerka caalamiga ayaa kor u kacday in ka badan 1 boqolkiiba Talaadada, iyadoo soo jeedinta Tehran ay ku guuldareysatay in ay dejiso welwelka ganacsatada ee ku aaddan xannibaadda marin-biyoodka muhiimka ah ee sahayda shidaalka adduunka. Brent waxa ay gaartay $109.42 halkii foosto markay ahayd 03:30 GMT, taasoo korodh ah 11 boqolkiiba marka loo eego maalintii Talaadada ee usbuucii hore, iyadoo markii ugu dambeysay ay ka hooseysay $100. Soo jeedintan ayaa timid iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi uu la wadaagay dhexdhexaadiyaha Baakistaan qorshaha dib u furista marinka, iyadoo wadahalada nabadda ee u dhexeeya Washington iyo Tehran ay meel istaageen, halka Maraykanku uusan ka hadlin soo jeedinta Iiraan oo ah in arrinta adag ee barnaamijka nukliyeerka loo dhigayo waqti dambe. Hanjabaadaha Iiraan ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ayaa hoos u dhigay socodka maraakiibta marinka labadii bilood ee la soo dhaafay, taasoo curyaamisay qayb weyn oo ka mid ah sahayda saliidda iyo gaaska adduunka. Kaliya sideed markab ayaa ka gudbay marinka Axadii, hoos u dhac marka loo eego 19 markab oo gudbay maalintii ka horay, sida ay sheegtay xogta raadraaca markabka ee hay'adda sirdoonka badda Windward. Ka hor inta aanay Maraykanka iyo Israa'iil bilaabin dagaalka Iiraan 28-kii Febraayo, celcelis ahaan 129 markab ayaa maalin kasta marinka maray, sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta. Xannibaadda iyo weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee gobolka ayaa hoos u dhigay wax soo saarka saliidda adduunka 14.5 milyan oo foosto maalintii, marka loo eego qiyaasta shirkadda Goldman Sachs. Khubarada rarka iyo saadka ayaa ka digay in ay u badan tahay in ay qaadanayso bilo si socodka tamarta uu u soo laabato heerkii caadiga ahaa xitaa haddii Maraykanka iyo Iiraan ay gaaraan heshiis lagu joojinayo dagaalka, iyagoo tilmaamaya in ay jiraan raskiis aan la soo dejinin oo saliid iyo gaas ah, burburka kaabayaasha, iyo baahida loo qabo in marinka laga nadiifiyo miinooyinka Iiraan. Qiimaha saliidda oo kor u kacaya ayaa saameyn ku yeelanaya dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan dalalka soo koraya ee ku tiirsan soo dejinta shidaalka, waxaana suurtagal ah in ay kordhiso sicir-bararka iyo hoos u dhaca heerka nololeed. Warar dambe ayaa sheegaya in hay'adda tamarta caalamiga ah ay ku baaqday in la dedejiyo wadahalada si looga hortago masiibo dhaqaale oo ka sii daran, iyadoo dalalka qaarkood ay bilaabeen in ay isu diyaariyaan qorshayaal lagu kaydinayo saliidda mustaqbalka. Sidoo kale, xannibaadda marinka ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay dalalka khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay hoos u dhacday dhaqaalahooda ka yimaada iibinta shidaalka. Ilaa hadda, Maraykanku ma uusan sii dayn wax caddayn ah oo ku aaddan in uu aqbalay soo jeedinta Iiraan, waxaana la filayaa in xaaladdu sii xumaato haddii aan heshiis dhow la gaarin. DALNEWS

Keywords: , Sports, somali