Faahfaahinta Warka

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay, iyaga oo ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo culus. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo deegaan doorashadiisu tahay magaaladaas, isaga oo ka warbixiyay socdaalkiisa. Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in kulamo wada tashi ay ka bilaabi doonaan degmada Luuq, kuwaas oo ku aadan xaaladda murugsan ee ka taagan degmadaas, maadaama muddo dheer ay ka taagan tahay colaad xooggan. Wasiirka ayaa xusay inay nabadeyn ka sameyn doonaan degmada, isla markaana ay isku keeni doonaan waxgaradka deegaanka, si bulshada ay ugu noolaato amni buuxa. Wasiir Cabdirashiid Maxamed Ducaale waxa uu yiri: Waxaan u nimid inaan wada tashano maadaama deegaan doorashadeydu ay halkan tahay, dalkana isbeddelo iyo caqabado ka jiraan, muhiimadda waa inaan talooyin wadajir ah gaarno kuwaas oo qaas u ah degmadan Luuq, gaar ahaan colaaddii sokeeye ee magaaladan muddada labada sano kasoo jirtay aadna waan uga xumahay. Waxaa kale oo uu ku daray: Inta aan ka badan dagaal sokeeye ma socon karo, dadkan gogoshooda waa nabad, haddii nabad la waayo horumar ma jiraayo. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inay dib u habeyn ku sameyn doonaan ciidamada xoogga dalka ee jooga halkaasi, si ay u howlgalaan una helaan xuquuqda uu sheegay inay muddo dheer ka maqan yihiin. Waxa uu yiri: Arrinta labaad waxay tahay inaan dib u habeyn ku sameyno ciidamada qalabka sida ee halkan jooga oo uu dayac badan ka jiro, xaquuq la’aan ay hayso si walba haku dhacdo, arrimahaan qaaska u ah degmadan ayay ka mid yihiin. Luuq ayaa ka mid ah degmooyinka Gedo ee ay muddada dheer colaadaha ka jiraan, waxaana haatan halkaas ka howlgala ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo maamul taabacsan dhanka dowladda federaalka Soomaaliya. Marar badan ayay magaaladu ka dhaceen dagaal beeleedyo iyo kuwa kale u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland. LABEL: Somali