Faahfaahinta Warka
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa uga qayb galay kalfadhiga lagu wajahan yoolka horumarka waara ee biyaha oo ka mid ah madasha golaha iskaashiga Afrika. Wasiirku waxa uu khudbad ka jeediyay shirka, isagoo si qoto dheer uga hadlay saameynta isbeddelka cimilada iyo helitaanka biyo nadiif ah. Wuxuu sheegay in isbeddelka cimiladu uu si toos ah u wiiqayo helitaanka kheyraadka biyaha, gaar ahaan dalalka Afrika ee horeyba u wajahaya caqabado badan oo dhinaca deegaanka ah. Wuxuu tilmaamay in kororka magaalooyinka iyo ballaarinta degmooyinka ay kordhiyeen baahida loo qabo biyo nadiif ah, taas oo cadaadis hor leh saartay ilaha biyaha ee jira. Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in maalgelin la’aantu ay si weyn u curyaamisay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha biyaha, taas oo sii adkeynaysa xaaladda sugnaanta biyaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sugnaanta biyaha ay tahay arrin si dhow ugu xiran horumarka waara, isla markaana ay muhiim u tahay caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha bulshada. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in helitaanka biyo nadiif ah uu muhiim u yahay awoodda bulshooyinka ee la qabsiga isbeddelka cimilada, maadaama biyuhu yihiin laf dhabarta nolosha. Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo adkeysiga bulshada si ay uga hortagaan khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada. Ugu dambeyntiina, wasiirka ayaa ku baaqay in la dardar geliyo iskaashiga caalamiga ah iyo maalgelinta, si loo xaqiijiyo yoolka ah in dhammaan bulshooyinku helaan biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo. LABEL: Somali