Faahfaahinta Warka
Xaalad culus ayaa maanta ka taagan xaafadda Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamarjajab, kadib markii saaka ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo burburin ka bilaabay halkaas. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in saaka ay xaafadda gudaha u soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiidka dagaalka iyo Cagaf Cagafyo, waxaana u soo baxay askar boolis ah oo qoysaskooda ay dagan yihiin xaafadda, kuwaas oo ay isku dhaceen, kadibna ay is rasaaseeyeen. Hooyo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle Tv ayaa xaqiijisay in goobta ay ku dhinteen laba carruur ah, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad kale oo shacab ah. Waxaa kale oo la soo wariyay in dhaawac ahaan ay u geeriyootay haweeney xaamilo ah oo goobta laga qaaday. Hooyada ayaa tiri: Laba canug oo saqiir ah waa dhinteen, halna waa dhaawac. Anaga oo aan ogayn ayaa xabad nagu la furay, dadna waa dhinteen, kuwana waa dhaawacmeen. Sidoo kale waxay intaas ku dartay in dowladdoodu ay soo weerartay, isla markaana iyaga oo jiifa la dul keenay ciidan iyo Cagafto. Waxay tiri: Dowladda awood ayay noo sheegatay, wax aan ku guurna mana haysano, alaabteyda laamiga ah waa daadsan tahay. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Xamarjajab oo ku aadan xiisadda oo weli laga dareemayo aagga Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo goobta ay tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo ka mid ah caasimadda waxay ka sameysay burburin, iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir. LABEL: Somali