Faahfaahinta Warka

Xubnaha mucaaradka dalka oo xalay kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay tabashadooda, gaar ahaan arrimo ay isku hayaan iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Mucaaradka ayaa shirkan kusoo bandhigay qodobo culus oo dhaliyay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, una baahan in xal waar laga gaaro. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay madaxweyne Xasan Sheekh ku haystaan saddex qodob oo kala ah dastuurkii oo la beddelay, dhul boobka ka socda iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka. Waxa uu sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku haysteen doorashada oo keliya, laakiin Xasan Sheekh waxay ku haystaan dastuurkii oo iskiis u beddelay, dhulkii dadka oo uu qaatay iyo doorashadii dalka. Waxa uu intaas ku daray in haddii wax laga beddelayo nidaamka federaalka ama dastuurka dalka, loo baahan yahay heshiis wadar ogol ah. Waxa uu sheegay in haddii laga guuro nidaamka federaalka ay dhibaato ku timid dad badan oo Soomaaliyeed, haddii lagu beddelayo afar ama shan sano, arrimahaas oo dhami waxay u baahan yihiin in la isku waafaqo. Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay kaalin muuqata ka qaataan xal u helidda xaaladda taagan, isla markaana ay dalka badbaadiyaan, maadaama uu wajahayo marxalad adag oo u baahan dhexdhexaadin iyo wada hadal dhab ah. Odayaasha oo intooda badan Muqdisho u yimid ka qayb galka caleema saarkii ugaaska beesha Murusade ayaa habeen hore la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo isna kasoo dhageysteen aragtiidiisa, wuxuuna ku adkeystay in dalka uu ka qabanayo doorasho qof iyo cod ah, si looga gudbo doorasho dadban. LABEL: Somali