Faahfaahinta Warka

Ciidamada booliiska Turkigu waxay si xoog leh ugu guda jireen burburinta mudaharaadkii maalinta shaqaalaha ee ka dhacay fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul, iyagoo ka dayacay gaas oo indhaha ceyriya oo ay ku fureen dadkii ku soo baxay fagaaraha. Booliiska Turkigu waxa uu goobta u adeegsaday baabuurta lagu xakameeyo rabshadaha, kuwaas oo ku watay gaasta indhaha ceyriya. Hay'adda sharciga ee Turkiga ayaa sheegtay in ugu yaraan 370 qof oo ka qayb qaatay mudaharaadka la xidhay maalintii Jimcaha. World News