Warbixin Faahfaahsan
Ra'iisul wasaaraha soomaaliya xamza cabdi barre ayaa kula kulmay xafiiskiisa wafdi heer sare ah oo ka socday hay'adda cuntada adduunka, kaas oo uu hoggaaminayay matthew hollingworth oo ah ku xigeenka maareeyaha guud ee wfp kulankan ayaa waxaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda cunna yarida, abaaraha, fatahaada iyo raadadka soo laab laabta ee ka dhasha.
Ra'iisul wasaaraha ayaa warbixin ka siiyay wafdiga ka socday wfp xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo horumarrada la gaaray, iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha, oo ay ka mid tahay cunna yarida.
Waxa uu xusay baahida loo qabo in xal waara loo helo, maadaama xilligan la galay waqti roobaad, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago sidii reer guuraaga iyo beeraleyda dalka loogu jiheyn lahaa ka faa'iideysiga wax soo saarkooda, si looga maarmaamo ku tiirsanaanta gargaarka dibedda.
Xamza ayaa uga mahadceliyay wfp doorkooda muhiimka ah, isaga oo xusay in soomaaliya ay xilligan ka soo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ragaadiyey.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay diyaarisay qorshayaal xal waara u noqon kara dhibaatooyinka keena cunna yarida, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka ay dowladda gacan ku siiyaan sidii loo gaari lahaa isku filnaansho.
Dhankooda, madaxda ka socotay wfp ayaa bogaadiyay guulaha ay xaqiijisay xukuumaddu ee ku aaddan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo laab laabta ee keena cunna yarida.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qorshayaasha dowladda ee ku aaddan in dalku gaaro isku filnaansho, si looga maarmo gargaarka dibedda.
Wfp waxay ka mid tahay hay'adaha ugu muhiimsan ee gargaarka ku fidiyay soomaaliya muddo sanado ah, iyadoo ay ka qayb qaadatay yareynta saamaynta abaarihii dalka soo gaadhay sannadihii la soo dhaafay.
Kulankani wuxuu ku soo aaday xilli dowladdu ay uga go'an tahay xoojinta adkeysiga dhaqaalaha iyo ka hortagga nafaqo darrada iyada oo lala kaashanayo hay'adaha qaramada midoobay.
Label: somali.