Faahfaahinta Warka

Donald Trump ayaa sheegay in aanu ku qanacsaneyn qorshihii ugu dambeeyay ee nabadeed ee Iran si loo soo afjaro dagaalka, kaas oo sababay dhimasho kumannaan qof ah. Isagoo la hadlaya saxaafadda maanta, madaxweynaha Maraykanku waxa uu sheegay in uusan hubin in heshiis laga gaari doono Iran, isagoo u digay in uu "baabii'i doono" haddii wadahadaladu fashilmaan. Waxa uu raaciyay in uu door bidi lahaa in la gaaro heshiis ka hortagaya in dagaalku soo noqdo, balse waxa uu ku hanjabay in ay laga yaabto in ay lagama maarmaan noqoto dib u qabadka colaadda. Wadahadalada lagu soo afjarayo dagaalka ayaa muddo todobaadyo ah istaagay. Wada hadallo ka dhacay magaalada Islamabad oo socday in ka badan 21 saacadood ayaa ku guuldareestay in xitaa la soo saaro qaab aasaasi ah. Qorshaha cusub ee nabadeed ee ay Iran soo gudbisay, iyada oo ay dhexdhexaadinayaan Pakistan, ayaa la soo gudbiyay Maraykanka. Inkasta oo aan la shaacin waxa ku jira qorshahan, Trump ayaa sheegay in uu ka kooban yahay shuruudo uusan aqbali karin. Khubaradu waxay sheegayaan in labada dhinac ay aad u doonayaan in colaadda la soo afjaro, laakiin si aan ugu muuqan kuwo daciif ah. Trump ayaa soo rogay go'doon badeed oo ka dhanka ah dekedaha Iran, sidoo kale Maraykanku wuxuu sheegay in heshiis kasta oo Iran la galaan uu waajib ku noqonayo in Iran aysan laheyn hubka nukliyeerka. World News