Warbixin Faahfaahsan

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa ku guulaysatay in soomaaliya markii ugu horreysay laga furay xafiiska sare ee xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay.

Dowladda ayaa guushan ku qaadatay kadib markii wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, safiir khadiija maxamed al-makhzoumi, ay magaalada geneva kula saxiixatay masuuliyiinta qaramada midoobay heshiis lagu hirgelinayo qaraarkii golaha xuquuqda aadanaha.

Qaraarka lambarkiisu ahaa a/hrc/res/60/28 waxa uu qeexayaa in maareynta xuquuqda aadanaha soomaaliya loo wareejinayo dowladda si madaxbannaan, taas oo ka tarjumaysa iskaashi iyo taageero farsamo oo loogu talagalay in lagu horumariyo xuquuqda aadanaha dalka.

Guushani waxay ka dhigan tahay in dowladda federaalka soomaaliya ay mar kale heshay aqoonsi caalami ah, ka dib dadaal ay ku bixisay sidii ay qaramada midoobay uga furi lahayd xafiis sare oo xuquuqda aadanaha, kaas oo dhawaan laga furaya magaalada muqdisho.

Wasiirka ayaa heshiiskan u saxiixay soomaaliya, halka dhanka qaramada midoobay uu u saxiixay volker türk oo ah madaxa xafiiska sare ee xuquuqda aadanaha.

Heshiiskan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah soomaaliya, gaar ahaan marka la eego marxaladda ay dalku ku jiro ee soo kabashada.

Wuxuu kaloo heshiiskani xoojinayaa xiriirka ka dhexeeya soomaaliya iyo qaramada midoobay, waxaana la filayaa inuu gacan ka geysto sidii loo xoojin lahaa hay'adaha dowladda ee xuquuqda aadanaha iyo inuu furo labada dhinac.

Wafdi sare oo ay hoggaaminayso wasiirka ayaa ku sugan magaalada geneva, waxaana ka mid ah agaasimaha guud ee wasaaradda, la taliyeyaal, iyo khubaro ka tirsan wasaaradda.

Guushan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda soomaaliya ku bixisay sanadkii la soo dhaafay ee horumarinta xuquuqda aadanaha, taas oo ku soo kordheysa guushii ay oktoobar ka gaartay shirkii xuquuqda aadanaha ee magaalada geneva.

Label: somali.