Faahfaahinta Warka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u dirtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga wafdi heer wasiir ah oo ka kooban Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Dekedaha, iyadoo labada dal ay sii wadaan xoojinta xiriirkooda istiraatiijiyadeed. Safarkan ayaa quseeya qorshe ballaaran oo lagu wado in lagu saxeexo dhismaha saldhig ciidan oo dhanka badda ah, kaas oo Turkiga lagu wado inuu ka hirgeliyo gudaha Soomaaliya. Ilo wareedka ayaa sheegay in mashruucan ay taageero iyo qayb ka buuxiyaan dalalka Sacuudiga iyo Jabuuti. Goobta la doonayo in laga dhiso saldhiggan ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah, waxaana la filayaa inuu gacan weyn ka geysan doono xakamaynta khataraha argagixisada iyo burcad-badeedda ee ka jira xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale, maanta waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray saraakiil ka tirsan ciidanka gaarka ah ee booliska Turkiga. Saraakiishan ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullaahi Cismaan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray tababarka iyo tayeynta ciidanka gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo Turkigu muddo dheer taageero tababar iyo qalabaynba u fidiyay. Turkiga ayaa dhawaan dib u bilaabay tababarka ciidamadan, kuwaas oo loo arko inay yihiin kuwa ugu xirfadsan hay'adda booliska Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo amniga dalka. somali