Faahfaahinta Warka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waddo dadaal ay ku dooneyso in dalal cusub ay aqoonsadaan maamulka Somaliland, sida ay sheegeen ilo wareedyo diblomaasiyadeed iyo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ilo wareedyada ayaa sheegay in Abu Dhabi ay si gaar ah ula shaqeyneyso dalalka Eswatini, Argentina, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dominican, si loogu riixo inay aqoonsadaan Hargeysa, bilo kadib markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025. Tallaabadan ayaa dhici karta ka hor ama ku beegnaan karta 18-ka May, maalinta ay Somaliland u dabaaldegto waxa ay ku sheegto inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Soomaaliya ayaa Somaliland u aragta qeyb ka mid ah dhulkeeda, waxayna si joogto ah uga digtay in aqoonsi kasta oo shisheeye uu dhaawacayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed. Ilo wareedyada ayaa sheegay in Eswatini iyo Argentina ay yihiin labada dal ee ugu dhow inay qaadaan tallaabada aqoonsiga, inkastoo aysan weli jirin go'aan kama dambeys ah. Eswatini, oo ah boqortooyo yar oo ku taalla koonfurta Afrika, ayaa ka mid ah dalalka aad u kooban ee weli xiriir diblomaasiyadeed la leh Taiwan. Argentina ayaa sidoo kale si dhow looga eegayaa, sababo la xiriira madaxweyne Javier Milei, oo si weyn u taageera Israel, isla markaana caan ku ah inuu jebiyo xeerar diblomaasiyadeed oo dalal badan ay ku dhaqmaan. Midowga Afrika ayaa si weyn uga soo horjeeda tallaabo kasta oo dhaawici karta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed. Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeysay inuu waday siyaasad cadaawad ku dhisan oo lagu wiiqayo dowladda federaalka, laguna taageerayo qorshayaal gooni-u-goosad ah. Xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa si weyn u xumaaday kadib markii Israel ay Somaliland aqoonsatay, tallaabo ay mas'uuliyiin Soomaali ah rumeysan yihiin in Imaaraadka uu door ku lahaa. Ilo wareedyada ayaa sheegay in ay jirto suuragalnimo ah in Imaaraadka qudhiisa uu ugu dambeyn aqoonsado Somaliland, inkastoo ay rumeysan yihiin in Abu Dhabi ay marka hore dooneyso in dalal kale ay ka horreeyaan. Madaxweynaha Somaliland ayaa 23-kii April safar ku tagay Imaaraadka Carabta, taas oo mas'uuliyiin Soomaali ah ay rumeysan yihiin inay qeyb ka ahayd isku dubbaridka siyaasadeed ka dib aqoonsigii Israel. Mas'uuliyiin Soomaali ah ayaa rumeysan in dadaalka aqoonsiga ee Abu Dhabi uusan ahayn mid diblomaasiyadeed oo keliya, balse uu sidoo kale la xiriiro danaha fog ee Imaaraadka ee dekedda Berbera iyo guud ahaan marinada Badda Cas. somali