Faahfaahinta Warka
Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda ku wargelisay go'aan cusub oo ku saabsan xiisadda ka taagan Soomaaliya, iyadoo taliyaha ciidamada dhulka ee Itoobiya uu ciidamada u diray howlgalka cusub ee Midowga Afrika si ay uga fogaadaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Taliyaha ayaa si cad ugu sheegay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku biiraya howlgalka AUSSOM inay dabaqaan isbeddelka ku yimid siyaasadda Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda uga fogaadaan xiisadaha siyaasadeed. Taliyaha ciidamada dhulka, oo khudbad u jeediyay cutubyo cusub oo ciidamada Itoobiya ah oo loo soo daabulayo Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlgalka Midowga Afrika, ayaa wuxuu ku booriyay ciidamada inay diiradda saaraan waajibaadkooda shaqo, dhawraanna sharafteeda, isagoo ku tilmaamay safiirro. Dhanka kale, falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya uu ku yimid isbeddel weyn oo ka dhalatay dhaqdhaqaaqyadan cusub. Ciidamada Itoobiya ayaa lagu wadaa inay beddelaan cutubyo kale oo horay uga hoos shaqeynayay howlgalka AUSSOM. Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee ciidamada ku deeqa howlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya, muddo ku dhow 20 sano. Dalalka kale ee ka qaybqaata howlgalkan waxaa ka mid ah Kenya, Jabuuti, Uganda, Burundi, iyo Masar oo dhowaan si rasmi ah ugu soo biirtay. Ugu dambeyntii, isbeddelka ku yimid siyaasadda Itoobiya ee Soomaaliya, oo horey ugu shaqeyn jirtay gacan-siinta maamul-goboleedyada, ayaa haatan horseeday inay si toos ah ula shaqeyso dowladda dhexe, taas oo sababtay in dowladda dhexe ay si guul ah ula wareegto maamulka Koonfur Galbeed. somali