Warbixin Faahfaahsan
Dowladda Turkigu waxay qorsheyneysaa inay dhamaadka sanadkan ka tijaabiso Soomaaliya gantaalkeedii ugu horreeyay ee awood u leh inuu iska gudbo qaaradaha.
Tallaabadan oo ay soo warisay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo Ankara uga goostay sidii ay u horumarineysay awooddeeda gantaallada riddada dheer.
Gantaalka lagu magacaabo 'Yildirimhan' ayaa hore loogu soo bandhigay bandhigga difaaca ee SAHA ee magaalada Istanbul, maalintii Talaadadii.
Waxaa la sheegay inuu gaari kayo masaafo dhan 6,000 oo kiiloomitir.
Taas macnaheedu waa in qaybo badan oo ka mid ah Yurub, Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, iyo qaybo ka mid ah qaaradda Aasiya ay ku dhex jiraan baaxadda uu gantaalku ku fogaado.
Bloomberg, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in Turkigu rabo inuu gantaalka ka rido xarun hawada sare oo cusub oo laga dhisayo Soomaaliya, isagoo u jeedinayo Badweynta Hindiya.
Tijaabadani waxay fursad u siin doontaa Ankara inay hesho marin badeed ku habboon tijaabinta gantaallada noocan ah, maadaama Turkigu ku adkaan karo inuu gantaal fog oo kale ka tijaabiyo dhulkiisa.
Sababta waxaa u ah ciriiriga hawada, marinnada maraakiibta, iyo xiriirka dalalka driska la ah.
SOURCE LINK: somali news.