Warbixin Faahfaahsan

Shirkad shidaal oo ingiriis ah ayaa raadinaysa iskaashi ay la yeelato maraykanka si ay uga bilowdo sahminta xeebaha soomaaliya shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka ingiriiska ayaa bilowday dadaallo ay ku raadinayso iskaashiga maraykanka, si ay u ballaariso sahminta shidaalka ee xeebaha soomaaliya.

Shirkadda soma oil and gas oo ka shaqaysa sahminta shidaalka badda, lagana leeyahay ingiriiska, ayaa hadda doonaysa la-hawlgalayaal cusub oo ka yimaada maraykanka, si loo xoojiyo awoodda maalgashi iyo farsamo ee mashruucyada ay ka waddo soomaaliya, sida lagu sheegay dukumeenti ka soo baxay wasaaradda caddaaladda maraykanka.

Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in sami michl oo leh boqolkiiba toban saamiga shirkadda, uu riixayo in la sameeyo heshiisyo iskaashi, isla markaana qayb ka mid ah mashruuca loo wareejiyo shirkado kale, arrintaas oo loo yaqaan farm-out.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay jirto cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan dardar-gelinta howlaha sahminta shidaalka, kuwaas oo muddo dheer dib u dhac ku yimid, inkastoo heshiisyo hore loo galay.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda federaalka soomaaliya bishii abriil soo saartay digniin adag oo ku socota shirkadaha shidaalka reer galbeedka, iyadoo ku amartay inay bilaabaan howlaha sahminta ama ay ka tanaasulaan heshiisyada ay hayaan.

Dowladda ayaa muujisay niyad-jab sii kordhaya oo la xiriira gaabiska ku yimid horumarinta batroolka dalka, inkastoo ay heshiisyo wadaagga wax soo saarka la gashay shirkado caalami ah.

Shirkadaha qaar ayaa lagu eedeeyay inay ku mashquuleen raadinta la-hawlgalayaal cusub, halkii ay si toos ah uga bilaabi lahaayeen howlaha sahminta iyo qodista gudaha dalka.

Waxaa ka mid ah waajibaadka laga sugayay shirkadahaas inay fuliyaan sahanno dhulka hoostiisa ah, qodista ceelal tijaabo ah, iyo inay gutaan ballanqaadyo maaliyadeed oo ay hore u sameeyeen.

Dhanka kale, soomaaliya ayaa sanadkii 2024 heshiis shidaal la saxiixatay dowladda turkiga, iyadoo saddex heshiis la siisay shirkadda turkish petroleum.

Shirkadda turkish petroleum ayaa si degdeg ah u billowday howlaha sahminta, iyadoo sanadkii 2025 dhammeysay sahanno casri ah oo saddex geesood ah, taas oo muujineysa horumar muuqda.

Sidoo kale, qodista ceelasha ayaa la bilaabay sanadkan 2026, taas oo cadaadis ku kordhisay shirkadaha kale ee weli aan bilaabin howlaha lagu heshiiyay.

Waxaa la filayaa in heshiisyada la xoojiyo si loo dardargeliyo sahanka shidaalka, taas oo horumar u ah dhaqaalaha soomaaliya.

Label: somali