Warbixin Faahfaahsan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladdiisa, ayaa galabta soo gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo caawa uu ku qaadanayo hoy.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si heer sare ah loogu soo dhoweeyay, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, uu hogaaminayay masuuliyiintii soo dhoweysay, kuwaas oo waxaa wehliyay tiro ka mid ah xubnaha dowladda jabuuti.

Masuuliyiinta soo dhaweynta waxay carrabka ku adkeeyeen xiriirka walaaltinimo, iskaashiga dhow, iyo deris wanaagga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, labada dal oo leh xiriir taariikhi ah oo qoto dheer oo ku dhisan wada degganaansho iyo dhaqan wadaag.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika iyo masuuliyiinta kale ee lagu casuumay si ay uga qayb galaan xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo markii dhawaa dib loogu doortay.

Xafladdan ayaa la filayaa inay soo qeyb galaan madax ka kala yimid dalal badan oo Afrikaan ah iyo kuwa ka baxsan qaaradda, kuwaas oo u soo safraya Jabuuti si ay u muujiyaan taageerada dowladda iyo shacabka dalkaasi.

Inta uu ku sugnaan doono magaalada Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la filayaa inuu kulan qarsoodi ah ama gooni gooni ah la yeesho madaxda sare ee dowladda Jabuuti, iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galaya xafladda caleemo-saarka.

Kulamadaasi waxay diiradda saari doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan, iskaashiga amniga, arrimaha gobolka, iyo sidii loo dedejin lahaa wada shaqeynta taagan Soomaaliya iyo Jabuuti.

World news.