Faahfaahinta Warka

Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, Cismaan Muxidiin Shaatax, ayaa sheegay in ay la soo baxeen baaq lagu muujinayo sida ay uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka. Shaatax ayaa sheegay in kulanno dhowr maalmood qaatay ay ka yeesheen xaaladda u dhexeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in khilaafku salka ku hayo arrimaha dastuurka, habka doorashooyinka, iyo muddo xileedka hay'adaha dowladda. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay la yeesheen siyaasiyiin labada dhinac ah, isla markaana ay ka dhageysteen aragtidooda ku saabsan habka doorashooyinka. Shaatax waxa uu intaas ku daray in bulshada rayidka ah ay aragtiday in aysan jirin khilaaf ku saabsan mabda'a doorashada qof iyo cod, laakiin ay jirto baahi loo qabo in la sameeyo habraac cad oo lagu kalsoonaan karo. Ugu dambeyntii, bulshada rayidka ah waxay labada dhinac ku boortay inay isu tanaasulaan, una yeeshaan wadahadal dhab ah oo horseedaya heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran. somali