Faahfaahinta Warka
MAREYKANKU WAXA UU TIJABIYAYA QALABKA CUSUB EE AQOONTA MACMALKA AH Shirkadaha Google, Microsoft, iyo xAI ayaa ogolaaday in Hay'adda Ganacsiga ee Maraykanku ay tijaabiso qalabkooda cusub ee teknoolajiyada aqoonta macmalka ah ka hor inta aan la sii dayn dadweynaha. Qalabkan waxaa lagu tijaabin doonaa xarunta CAISI oo hoos timaada hay'adda ganacsiga. Heshiisyadan cusubi waxay ka dhigan yihiin ballaadhin heshiis ay hore u galeen shirkadaha OpenAI iyo Anthropic xilligii maamulkii hore. Tijaabooyinku waxay qiimeyn doonaan awoodda iyo amniga qalabka aqoonta macmalka ah. Agaasimaha CAISI, Chris Fall, ayaa sheegay in iskaashigan la balaariyay uu ka caawinayo inay shaqadooda u habeeyaan danaha guud. Qiimayntu waxay ka kooban tahay tijaabin, cilmi baaris wada jir ah, iyo horumarinta hababka ugu fiican ee la xiriira nidaamyada aqoonta macmalka ah. Qalabka ugu caansan ee Google waa Gemini, kaas oo si weyn looga adeegsado wax soo saarka Google iyo hay'adaha difaaca Maraykanka. Microsoft waxay leedahay CoPilot, halka xAI ay leedahay Grok. Hay'addu waxay sheegtay inay hore u samaysay 40 qiimayn oo ku saabsan qalabka aqoonta macmalka ah, kuwaas oo ay ku jiraan tijaabooyin lagu sameeyay qaabab aan weli la sii dayn. Iyada oo aan la sheegin kuwa laga horjoogsaday in la sii daayo. Maamulka Trump, oo hore uga fogaaday sharciyaynta aqoonta macmalka ah, ayaa hadda u muuqda mid isbeddel ku yimid arrintan, iyadoo ciidamada Maraykanku ay sii kordhinayeen adeegsiga aqoonta macmalka ah. tech