Warbixin Faahfaahsan
Wasiirka amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa gaarsiiyay farriin muhiim ah oo uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii uu kula kulmay madaxweynaha dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré.
Fartaag, oo hadda ku sugnaa booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Burkina Faso, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha dowladda dalkaas, isagoo u guddoonsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka soo diray madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu ku faahfaahiyay in booqashadiisu qayb ka tahay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan qaybaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Intaa waxaa dheer, waxa uu madaxweyne Traoré kala hadlay arrimo muhim ah oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo wadaagista khibradaha ciidan, iyadoo labada dal ay wadaagaan caqabado argagixiso oo isku mid ah.
“Labada dowladood – Burkina Faso iyo Soomaaliya – waxay wadaagaan caqabado argagixiso, sidaas darteed waxaa lama huraan ah in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada militariga,” ayuu yiri Fartaag.
SOURCE LINK: somali news.