Warbixin Faahfaahsan
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay dalal dhowr ah in ay si nidaamsan u isticmaalayaan "bot farms" iyo cinwaanno been abuur ah si ay saameyn ugu yeeshaan baraha bulshada.
Wuxuu sheegay in istaraatiijiyaddan loogu talagalay in lagu wiiqo taageerada shacabka Maraykanku u hayaan Israa'iil iyo in la dhaawaco xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil.
"Bot farms" waa xirmo software oo casri ah oo loo adeegsan karo abuurista akoonno been abuur ah oo ku jira baraha bulshada, sida ay ku qeexday wasaaradda caddaladda Mareykanka.
Isagoo tusaale bixinaya, Netanyahu ayaa sheegay in la maqlo fariimo noocan oo kale ah oo leh, 'Waxaan ka imid Texas (USA).
Mar walba waxaan taageeri jiray Israa'iil, laakiin hadda aad ayaan uga xumahay ficilladooda, waxaana ka soo horjeestay Israa'iil.' Wuxuu intaas raaciyay in markii la isku dayay in la xaqiijiyo fariintaas, cinwaankeedii lagu ogaaday inuu ahaa "meel hoose oo ku taal Pakistan." Pakistan weli kama aysan jawaabin eedeynta uu jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay CBS News, oo ah bah-wadaag la ah BBC-da.
Label: world news ![Sawir](.