Faahfaahinta Warka

NigeL Faarage oo ah hoggaamiyaha xisbiga Reform UK ayaa sheegay in aanay jirin waajib ku aaddan in la caddeeyo deeq lagu siiyay oo dhan shan milyan oo gini oo uu ka helay maalqabeen taageera xisbiga ka hor inta uusan noqon xildhibaan. Faarage waxa uu waraysi uu siiyay wargeyska Telegaraf ee todobaadkii haka horreeyay sheegay in horraantii sannadka 2024-kii, deeq-bixiyaha xisbiga Reform UK ee Christopher Harborne uu siiyay lacagtaas si uu u bixiyo sugitaankiisa qof ahaaneed. Xisbiga Shaqaalaha iyo xisbiyada kale ee ka soo horjeeda ayaa ku eedeeyay Faarage inuu jebiyay xeerarka baarlamaanka isagoo aan ku qorin diiwaanka danaha xildhibaannada deeqda shan milyan ee gini. Xisbiga Konserfatifka ayaa hoggaamiyaha Reform UK u gudbiyay guddiyaasha anshaxa baarlamaanka. Laakiin markii uu la hadlayay wariyayaasha maalintii Talaadada, Faarage waxa uu sheegay in deeqda shan milyan ee gini ay ahayd mid gaar ah oo aan siyaasadeed ahayn waxba. Faarage waxa uu yiri xeerarka waa kuwo aad u cad, waa in… --- world news ---