Faahfaahinta Warka

Raiisel wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa isku dayay inuu yareeyo xiisadaha u dhexeeya Jarmalka iyo Maraykanka ka dib markii Washington ay ku dhawaaqday qorshe ay hoos ugu dhimayso tirada ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jarmalka. Merz ayaa sheegay in qorshaha ka bixista ciidamadu aanu xiriir la lahayn khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Trump oo ku saabsan istaraatiijiyaddiisa Iran. Dhibaatadu waxay soo ifbaxday maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, markii Merz uu u muuqday inuu dhaleeceeyay ficillada Trump ee Iran. Ka dib markii uu Trump uu hadal ciidan qaaday, uu ku yiri Merz ma garanayo waxa uu ka hadlayo. Khilaafkaas waxaa ka mid ahayd dhaleecayn Merz uu ku sheegay in Iran ay dullinayso Maraykanka. Maalintii Jimcaha, xoghayaha difaaca Maraykanku wuxuu amray in la saaro 5,000 oo askari ka dib markii uu hanjabay Trump. Qaar ka mid ah u sareeya Maraykanka waxay ku doodayaan inuu saamayn ku yeesho ganacsiga. Germany ayaa ah saaxiibka ugu weyn Israa'iil, iyadoo taageeri jirtay falalka Israa'iil. Waxay iibin jirtay hub aad u badan. Waxay kaloo goobjoog u ahayd xasuuqa Qaxumiga Gaza. Si kastaba, Merz ayaa u muuqda inuu ka beddelay mawqifkiisa. world news