Faahfaahinta Warka
ra'iisul wasaare xamza oo la hadlay bulshada rayidka oo talooyin is dhaafsaday ra'iisul wasaare xamza cabdi barre ayaa xalay casho sharaf ku maamusay xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka soomaaliyeed, isagoo kala hadlay xaaladda guud ee dalka. labada dhinac ayaa is dhaafsaday talooyin muhiim ah oo la xiriira dowlad dhiska, amniga, iyo hannaanka doorashooyinka soo socda. xamza ayaa soo dhaweeyay talooyinka uga yimid bulshada rayidka, isagoo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin dhismaha jamhuuriyadda 3aad ee federaalka soomaaliya. waxa uu sheegay in xuquumaddu ay ka gudubtay marxaladdii kala guurka iyo kumeel gaarnimada, isla markaana marka uu dhamaado muddo xileedka hay'adaha dowladda, ay shacabka soomaaliyeed soo dooran doonaan dowlad cusub oo sharci ah. ururrada bulshada rayidka ayaa dhankooda ka dalbaday ra'iisul wasaare xamza in la sii wado dedaallada wadahadallada si xal looga gaaro tabashada ay mucaaradka ka qabaan hannaanka doorashooyinka. waxay tilmaameen in siyaasiyiinta labada dhinac ay ka dhageysteen aragtiyadooda ku aadan doorashada, balse ay hadda la isku halayaa kaliya hannaanka loo wajahayo doorashooyinka tooska ah ee ka dhacaya dalka. warsaxaafadeed ay soo saareen bulshada rayidka ka dib kulamo ay la yeesheen dhinacyada siyaasadda ayaa lagu sheegay in iyagoo tixgelinaya aragtiyadii kala duwanaa ee ay soo bandhigeen dhinacyadu, ay garwaaqsadeen in mabda ahaan aan la isku diidin qabsoomida doorasho qof iyo cod ah. balse ay muhiim tahay in la helo hannaan cad oo lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya in qof walbaa codkiisa si xor ah u bixin karo. waxaa intaas dheer, bulshada rayidka ayaa ka walaacsan in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho xasilloonida dalka, iyagoo ku booriyay madaxda heer qaran iyo heer dowlad goboleed inay isla taagaan si loo xalliyo murannada jira. arrimaha waxaa sii adkeeyay inaysan jirin heshiis lagu wada qanacsan yahay oo ku saabsan sida loo qabanayo doorashooyinka federaalka, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiintu ay sheeganayaan in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaado 15 ka may, halka kuwa kalena ay ku andacoonayaan in lagu kordhin karo. si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda indhaha lagu hayaa shirka loo ballansan yahay ee uu madaxweynuhu 10ka bishan ku casuumay golaha mustaqbalka oo ah midowga mucaaradka, si looga wada hadlo arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka. shirkaas ayaa la rajeynayaa inuu yahay fursad lagu kala qanci karo ama lagu sii daro khilaafka, iyadoo bulshada rayidku ay carabka ku dhufanayso in ay tahay in la helo xal waara oo lagu wada qanacsan yahay. label: somali