Warbixin Faahfaahsan
Dowladda soomaaliya oo ogolaatay banaanbaxa mucaaradka balse ka digtay hubka iyo xagjirnimada siyaasadeed dowladda federaalka soomaaliya ayaa sheegtay inaysan diidaneeyn banaanbax ka dhaca magaalada muqdisho, iyadoo mucaaradku uu qorsheynayo dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda.
Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya, axmed macallin fiqi ayaa sheegay in dowladda ay diidan tahay in hub la soo qaato, balse aysan ka soo horjeedin qabashada banaanbax nabadeed.
Wasiirka ayaa yiri: banaanbax lama diidin, dowladduna ma diidin.
Waxa aan ka hadlaynay waa hubka dadka lagu hanjabayo, farriintas ayaan weli direynaa in hub aan la soo qaadan karin.
Wax hub ah oo la soo qaadan karana ma jiro.
Waxa uu intaas ku daray: banaanbax aad tabeelahaaga wadatid oo shucuurtaada ku cabbiraysid waa kuu furan yahay, dadna heli maysid oo dadna kusoo bixi maayaan.
Wasiirku wuxuu si weyn u dhaliilay habka ay siyaasiyiinta mucaaradku wax u wadaan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay adeegsanayaan dalal shisheeye.
Waxa uu yiri: dalkaan wax ka haleysan ma leh, haddii aad qalad sameyso gacanta ayaa lagu qabanayaa.
Wasiirka ayaa siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku tilmaamay xagjir siyaasadeed, isagoo weerar aan loo meel-dayin ku qaaday mucaaradka.
Mucaaradka ayaa maanta iclaamiyay dibadbax weyn oo ay qaban doonaan 10ka bishan, iyagoo reer muqdisho, gaar ahaan dadkii la barakiciyay ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb galaan banaanbaxa, isla markaana ay muujiyaan dareenkooda ku aadan ka dhiidhinta dhul boobka ka socda gudaha caasimadda.
Hoggaanka mucaaradka ayaa uga digay ciidamada inay ku xad gudbaan dadka isku soo baxaya, isagoo sheegay in lagula xisaabtami doono fal kasta oo ay gaystaan.
Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in hay'adaha dowladda federaalka uu ka dhamaaday muddo xileedkooda, isla markaana aysan haysan wax sharciyad ah.
Si kastaba, isla maalintan ay mucaaradku iclaamiyeen banaanbaxa ayaa ah maalintii uu madaxweyne xasan sheekh qorsheeyay inay is arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada hadlo xaaladda sii cakirmeyso ee siyaasadda.
Weli si cad looma fahmin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah, taas oo keentay in labada dhinac ay ku kala qaybsan yihiin.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku celiyay mowqifka dowladda ee ah in ay ka go'an tahay in la ilaaliyo amniga caasimadda, isla markaana aan loo oggolaan doonin falal cakaare ah oo lagu carqaladeynayo nabadgelinta.
Waxa uu xusay in dowladdu diyaar u tahay in ay u fududayso banaanbax nabadeed oo xad iyo xeelad leh, balse aysan dulqaadan doonin wax hub ah oo la soo bandhigo ama lagu hanjabay.
Label: somali