Faahfaahinta Warka
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maalmahan dhaqdhaqaaqyo ka waday Muqdisho ayaa hadda shir degdeg ah oo muhiim ah ku qabta hoteelka Jasiira, kaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka. Sida la ogaaday, shirkan oo ay ku wada jiraan dhammaan xubnaha mucaaradka ayaa diiradda lagu saarayaa go'aanka ka soo baxaya shirka uu madaxweynuhu ku baaqay inuu qabsoomo 10-kii bisha May. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa niyad-jab ka muujinaya madasha shirka, maadaoo ay horey u fashilmeen dhammaan wadahadaladii hore ay kula yeesheen madaxweynaha gudaha Villa Soomaaliya. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda siyaasiyiintu ay caddeeyaan mawqifkooda, iyagoo jawaab rasmi ah ka siinaya baaqa madaxweynaha. Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegtay in madaxweynuhu si rasmi ah ugu casuumay golaha mustaqbalka inuu ka qayb qaato kulan loo qorsheeyay 10-kii May, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka. Madaxweynuhu waxa uu aaminsan yahay in waqtigan ay lama huraan tahay isu tanaasul iyo is afgarad. somali