Warbixin Faahfaahsan
Muqdisho – Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar, oo horay u soo noqday wasiirkii batroolka Soomaaliya, ayaa ka hadlay sidii dowladdu ugu soo celin lahayd dhulalkii danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in haatan la bilaabay in laga faa’iidaysto.
Wuxuu intaas ku daray in qaar ka mid ah dhulalka dib loo lahaaday la siiyay dad shacab ah oo la sharciyeeyay si ay uga faa’iideystaan, halka kuwa kalena dib loogu celiyay wasaaradihii iyo xarumihii ay horay leeyihiin.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in hadduu socdo qorshe ay dowladdu ku dhisayso 10 kun oo oo guri oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.
Xildhibaanku waxa uu caddeeyay in dhulkii soddon sannadood dowladda ka maqnaa la soo celiyay, isagoo sharraxay in qaar dhulal ah la siiyay qof kasta oo doonaya inuu sharciyeeyo, iyo in dowladdu haddaba dhisayso 10 kun oo guri oo loogu talagalay barakacayaasha.
Hadalkani waxa uu soo beegmayaa xilli ay jirto xiisad culus oo ka taagan dhulalka danta guud ee Muqdisho, ka dib markii dad badan lagaga raray guryahoodii iyagoo aan la siin meel ay degaan.
Arrinta ayaa sidoo kale sababtay in meelo ka mid ah ay ka dhacaan gacan-ka-hadallo, waxaana ugu dambeeyay dagaalkii xalay ka dhacay xaafadda Warlalis.
Faahfaahin dheeri ah ka hel: label content related label World news,somali,sports,tech,entertainment,.