Warbixin Faahfaahsan

Dowladda soomaaliya oo ku guulaysatay in markii ugu horreysay laga furo xafiiska sare ee xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay magaalada muqdisho dowladda federaalka soomaaliya ayaa ku guulaysatay in soomaaliya markii ugu horreysay laga furo xafiiska sare ee xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay.

Dowladda soomaaliya oo ay metelayso wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha soomaaliya safiir khadiija maxamed al-makhzoumi iyo xafiiska wakiilka sare ee qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa maanta oo arbaco ah magaalada geneva ee dalka switzerland ku kala saxiixday heshiis lagu hirgelinayo qaraarkii golaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay.

Qaraarkaas oo lambarkiisu ahaa a/hrc/res/60/28 ayaa ku saabsanaa la soo wareegidda maareynta madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha soomaaliya, kaas oo tilmaamaya iskaashiga iyo taageerada farsamo ee ay u baahan tahay soomaaliya si ay u horumariso xuquuqda aadanaha, isla markaana ay u maareyso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah.

Tallaabadani waxay ka dhigan tahay in dowladda federaalka soomaaliya ay heshay aqoonsi caalami oo ku aadan inay iyadu maamusho waxqabadyada xuquuqda aadanaha gudaha dalka, taas oo horay u socotey hay'ado ka baxsan soomaaliya.

Tan waxay ka dhigan tahay in dowladda federaalka soomaaliya ay mar kale fagaarayaasha caalamka ka soo hoysay guul muhiim ah, iyadoo dowladdu ay dadaal xooggan u gashay in markii ugu horreysay taariikhda qaramada midoobay ay soomaaliya ka furato xafiiska sare ee xuquuqda aadanaha oo dhowaan laga furi doono magaalada muqdisho.

Guushani waxay ka tarjumaysaa horumarka ay dowladda soomaaliya ka samaysay sidii loo dhisayo hay'ado qaran oo wax ku ool ah.

Wasiirka wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha safiir khadiija al-makhzoumi ayaa heshiiskan u saxiixay soomaaliya, halka dhanka qaramada midoobay uu u saxiixay folker türk oo ah madaxa xafiiska sare ee xuquuqda aadanaha.

Heshiiskan ayaa ah mid soomaaliya muhiimad gaar ah u leh, maadaama dalkeennu uu ku jiro marxalad soo kabasho ah ka dib sanado colaad iyo burbur.

Waxaa la filayaa in xafiiskan cusubi uu qaabilsanaan doono la socodka heerka xuquuqda aadanaha, bixinta tababarka hay'adaha dowladda, iyo ka qaybqaadashada warbixinnada caalamiga ah.

Magaalada geneva ee dalka switzerland waxaa ku sugan wafdi sare oo ka socda dowladda federaalka soomaaliya oo ay hoggaaminayso wasiirka wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, kaas oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud ee wasaaradda, la taliyeyaal iyo khubaro ka tirsan wasaaradda.

Wafdigu wuxuu sidoo kale ka wada hadlayaa horumarinta hindisayaasha mustaqbalka iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Guushani waxay qayb ka tahay dadaallada ay dowladda soomaaliya ku bixisay sanad iyo barkii la soo dhaafay horumarinta xuquuqda aadanaha iyo maareynteeda.

Iyadoo ka sokow guushii weynayd ee oktoobar ay soomaaliya ka gaartay shirkii xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay ee magaalada geneva iyo dhismihii guddiga madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha qaranka, tani waxay tahay guul kale oo ballaaran oo xoojinaysa jihada cusub ee dalka ugu jiro.

Label: somali