Faahfaahinta Warka
Wariyeyaasha Falastiiniyiinta ku sugan marinka Gaza ayaa maanta ku dabaaldegey maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka, iyagoo maamuusay asxaabtooda ay Israa'iil dishay ama ay beegsadeen. Gaza waxa ay noqotay goobta ugu dhimashada badan taariikhda wariyeyaasha. Pope Leo XIV ayaa ku baaqay in si weyn loo ilaaliyo wariyeyaasha runta sheega, gaar ahaan goobaha dagaalka. world news