Faahfaahinta Warka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay wararko lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood ee sheegayay in la cayriyay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya. Wasaaraddu waxay bayaan rasmi ah ku sheegtay in wararkani ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana lagu marin habaabinayo dadweynaha. Waxay intaas ku dartay in wararka noocan ahi ay dhaawac u geysan karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, kaas oo loo arko mid muhiim ah. Sidoo kale, wasaaraddu waxay xustay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, isla markaana aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid. Waxay kula taliyay warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah inay muujiyaan xirfad iyo mas'uuliyad markay tabinayaan arrimaha dibadda, isla markaana ay ka digtay faafinta warar been abuur ah. Wasaaraddu waxay sheegtay in wararka rasmiga ah laga helo ilo lagu kalsoon yahay, si looga fogaado jahawareer iyo saameyn taban. Ugu dambeyntii, waxay ka digtay faafinta warar been abuur ah oo lagu wiiqayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Carabta, iyadoo xustay in tallaabo laga qaadi doono qof kasta oo ku kaca falalka noocan ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi'isay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku saabsanaa iskaashiga amni iyo difaaca. Go'aankaas ayaa yimid iyadoo lagu sababeeyay falal lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka. somali